Fahamka nadaafada iyo quruxda
 Nadaafada waxaa loogu baahan yahay caafimaadka jirka iyo raaxada ruuxda. Sida culumada caafimaadku sheegaan nadaafad la’aantu waxay keentaa cuduro badan oo kala duwan. Haddii ay timaado cudurada ka dhasha nadaafad la’aantu waxay keenayaan khasaare badan oo nafta, caadifada iyo dhaqaalahaba isugu jira. Ruuxdu waxay ku raaxaysataa inay fiirsato shay nadaafad leh. Hadii qofka jirkiisa, dharkiisa iyo gurigiisu nadaafad leeyihiin ruuxdiisu way raaxaysanaysaa, jirkiisuna caafimaad ayuu dareemahaa waana isla wayn yahay.

Bal wax yar qiyaas, xanuunka, wal-walka, dhimashada, wakhti dhuminta iyo lacag kharash garaynta ay keenayso jiradu. Haddii waxaas oo dhan oo dhib ah ay keenayso nadaafad la’aantu maxay-naan ugu dadaalayn, nafteenana u barayn nadaafada? Diinta Islaamku waxay ina amraysaa inaan nadiif ahaano, xaga jirka iyo ruuxdaba. Waxay ina amraysaa inaan qorux badnaano ‘Ilaahay wuxuu jecelyahay, kuwa u soo noqda oo xumaanta ka tooban keenay iyo kuwa isdaahiriya.’ Baqara. Ayaada 222.

Nadaafadu waa dhaqan iyo tarbiyo la barto. Haddii uusan qofku arag dhaqan ficil ah oo ku saabsan nadaafada, isla markaasna aan lagu tababarin marka uu yar yahay, kuma baraarugi karo kaliga muhimada nadaafada. Tacliinta iyo baraarujinta ku saabsan nadaafada iyo macluumka caafimaadku waxay dadka ku abuuraan dareen ay isaga ilaalinayaan khatarta kadhalan karta nadaafad xumada.

Inkasta oo dhaqanka Islaamku caawinayo nadaafada, haddana waxaan u baahanahay wacyigalin dheeraad ah oo ku saabsan nadaafada. Dhaqankanaga ka soo jeeda miyiga iyo biyo la’aanta iyo wax barashada guud oo nagu yar, waxay ka qayb qaateen inaanaan aad u fahmin kuna dadaalin nadaafada. Awoodanada garasho ee ku saabsan muhimada nadaafada, waxaa si fiican loo arki karaa markii la barbardhigo nadaafada ummadaha kale. Ka dib qaxii ay Soomaalidu qaxday, waxay la darseen dadyow kala duwan iyo ummado kala dhaqan ah. Sida American, European, African iyo Caraba. Halkaas ayaa waxaa laga qaadan karaa wax yaabo badan oo ku saabsan kala duwanaanta annaga iyo ummadaha kale. Taas oo aan u baahanahay inaan kaga dayano wixii ay nooga fiicanyihiin oo dhaqan iyo aadaab ah, oo ay ka mid tahay nadaafadu.

Runtii wax ka barashada dadyowga kale waa fursad qaali ah oo aan la helikarin. Haddaan nahay Soomaali, haddii aan waynay karaamadii iyo sharaftii dawladnimada iyo daganaan-shaha, waa inaan dhinaca kale ka fa’iidaysano qaxanagii, oo aan wax badan oo dhaqan iyo akhlaaq ah aan ka barano ummadaha kale ee aan ku qaxnay. Runtii waxaa jira wax badan oo muhiim ah oo aan ka baran karno, haddii aanaan iskala waynaan wax barashada iyo wax fahamka. Is difaaca iyo ilaalinta dhaqanka iyo diintu waa shay dabeeci ah oo aadanaha oo dhan ku abuuran. Fircoon oo ka digaya Nabi Muuse, ayaa yiri: ‘Waxaan ka baqayaa in ninkaani badalo diintiina ama uu fasaad ku fidiyo aduunka.’ Haddii aan saas oo kale u baqno oo aan istaagno mowqif aan difaacayno oo aan ilaalinayno wixii aan haysanay, waxaan waayaynaa inaan wax ka barano waayo-aragnimada qaxootinimada iyo ummadaha kala duwan ee aan la kulanay.

Qofku inuusan wax ogayn ceeb ma’aha, ee waxaa ceeb ah inuusan wax baran. Haddii aan ka faa’iidaysano wixii aan aragnay oo dad iyo dhaqan kaladuwan ah, isla markaasna aan wax ka barano ummadihii kala duwanaa een aan la darisnay, waxaan heli lahayn faa’iido wayn oo le’eg ama u dhigmi karta khasaarihii nagaaray ee aan annagu isu keenay. Marka aan wax ka barano ummadaha kale, aana ka qaadano akhlaaqada iyo dhaqanka fiican haddii ay nagu dhaamaan. Waxaa ka mid ah nadaafada iyo xaragada.

Wax lagu dhasho ma jiraan. Wax walba waa la bartaa. Haddii aynaan caruurteena barin sidii ay isu nadiifin lahaayeen yaa kale oo baraya. Guriga kuma barno caruurta sidii ay kaadida iyo saxarada isaga dhaqi lahaayeen, mana lihin xarumo kale oo ciyaalka lagu baro wax yaabaha nolosha ku saabsan. Qofka aadanaha ah, dhadig ama lab, waxaa la xiriira wax yaabo joogto ah oo uu san marna ka fakan Karin ama ka maarmin oo dabeeci ah. Haddii aan wax yaabahaas si fiican loo barin sixun ayuu u isticmaalayaa. Nadaafada iyo iska dhiqista nijaasada waa in la baro caruurta. Sidoo kale xiriirka jinsiga ah, ama kulanka raga iyo haweenka waxaa loo baahan yahay in la baro dhalaanka waxa ka xun iyo waxa ka fiican iyo sidii loo isticmaali lahaa ama loo wada dhaqmi lahaa. Ka aamusida iyo qaranta arrimaha galmada waxba ma anfacayaan, maxaa yeelay waa shayga ugu wayn ee aadanuhu u baahan yahay ama ka fikiro. Haddii aan si fiican qofka loo barin sidii uu ugudan lahaa sixun ayuu ugudanayaa. Maxaa xalaal ka ah arrimahaas maxaase xaaraan ka ah, waa in la baro caruurta.

Qaybaha waaweeyn ee nadaafada looga baahan yahay waxaa ka mid ah:

• Musqusha. Qofku marka uu musqusha galo waa inuu isticmaalo warqada khafiifka ah ee musqulaha loogu talagalay. (Teasue) Kadimna waa inuu isticmaalo biyo. Markii uu ka soo baxo musqusha waa inuu faraha isaga dhaqo saabuun.
• Biyaha lacabayo. Biyaha lacabayo waxay isugu jiraan biyo nadiif ah iyo kuwo wasakh leh. Kuwa nadiifta ah ayaa waxay leeyihiin kuwo la dilay jeermiska iyo kuwo aan laga dilin. Waxaa loo baahan yahay inaad cabto biyo nadiif ah, haddana la kariyay ama la warshadeeyay, si aad caafimaadkaaga u ilaaliso.
• Raashinka: Marka raashinka la karinayo, waxaa ka horeeya hawlo muhiim ah oo loo baahan yahay in laqabto. Waa in uu gacmaha dhaqdo qofka raashinka karinaya. Waa inuu raashinka naf ahaantiisa dhaqo inta aan la Karin. Waa meesha lagu karinayo la nadiifiyo oo laga fogeeyo wax kasta oo qashin ama
• wasakh ah. Waa in la dhaqo weelasha lagu karinayo iyo kuwa lagu cunayo raashinka. Marka raashinka lacuno waa inaan la ogolaan in wax lagu daad-daadiyo meesha raashinka lagu cunay saxamada raashinkana dib loo dhaqo.
• Nadaafada jirka: Nadaafada jirku waa muhiim. Runtii waxay u baahantahay baraarugsanaan iyo aqoon. Dhakhtar Kenyan ah, oo ku takhakhusay cudurada haweenka ayaan su’aal waydiiyay. Waxaan ku iri ‘Waxaan arkaa kastamar badan oo haween Soomaaliyeed ah inaad haysato. Kuwii Kenyanka ahaa meeye?’ Wuxii iigu jawaabay, in kasta oo aan lacag badan ka helno haweenka Soomaalida, haddana waan ka xumahay xaalada ay ku noolyihiin. Waxaan waydiiyay, waa maxay sababta ay u badan yihiin haweenka Soomaalida ah ee kuu imaanaya? Wuxuu iigu jawaabay, sababtu waa laba shay. ‘1. Malaha aqoon wax barasho oo ay ku ogaadaan ama ku bartaan jirkooda iyo sidii ay u nadiifin lahaayeen. 2. Dhibta wayn ee gudniinku u keenay.;
• Nadaafada guriga: Nadaafada guriga uu qofku ku noolyahay, laga bilaabo, irida hore ilaa iyo qolka jiifka waa lagama maarmaan. Qofka caafimaadkiisa ayaa laga gartaa meesha uu kunool yahay. Ruuxda iyo nafta, caafimaadka jirka intaba way ku raaxaystaan meel qurux badan oo si fiican loo agaasimay. Waa inaan ku dadaalo nadaafada guryeheena iyo aaga inagu dhow. Waa inaynaan marn ku tuurin qashin iyo wasakh meel aan loogu talagalin, isla markaasna waa inaan ilaalinaa dadka kale iyo dariska.
• Nadaafada dharka iyo la biska. Sida dadku u xaragoodo iyo sida uu u labisto waxay ku xirantahay dhaqankooda iyo diintooda. Laakiin waxaa jira wax aadanaha oo dhan ka dhaxeeye qof kastana u baahan yahay. Waa inuu xaragoodo oo qurux leeyahay. Inkasta oo dhaqamada iyo diinuhu kala duwan yihiin haddana dareenka labiska qorxoon laguma kala duwana. Waxaad u baahantahay inaad xaragooto dharkaaguna nadaafad leeyahay. Adiga ayay kugi xirantahay sida aad u dooranayso iyo nooca aad jeceshahay.


Maadaama aan helnay dhib iyo qax aan uga duwanahay dadyowga kale, waa inaan helnaa aqoon iyo waayo aragnimo aan ka faa’iidaysano oo aan uga duwanahay aadanaha kale, mustaqbalkana aan dhisno dhaqankeena iyo akhlaaqdeena.

waxaa qoray qoraayga hoos ku qoran

Shiekh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil: shiikhabdiraxmaan@baraarug.com